Abubakar Mohammed - podcast cover

Abubakar Mohammed

Abubakar Mohammedabubakarm.com
Abubakar Mohammed is a Somali motivational speaker, author and a life-coach from the Netherlands. Along with his older brother Omar Mohammed, he became famous through online motivational speeches and short Islamic reminders. He published his first book Ku Raaxayso Noloshaada (Enjoy Your Life) in 2019, which was a great success within Somali communities worldwide.
Last refreshed:
Follow this podcast in the Metacast mobile app to refresh it and see new episodes.
Download Metacast podcast app
Podcasts are better in Metacast mobile app
Don't just listen to podcasts. Learn from them with transcripts, summaries, and chapters for every episode. Skim, search, and bookmark insights. Learn more

Episodes

Hordhac - Hooyo Macaan

Dhacdadan waxay si qoto dheer uga hadlaysaa macnaha guud ee hooyada, iyada oo ku tilmaamaysa jacayl, naxariis, farxad, iyo deggenaansho jannada ah. Waxa kale oo lagu xoojinayaa muhiimadda waalidiinta loo daryeelo, farxadooda la raadiyo, iyo in loo duceeyo. Dhagaystayaasha waxaa lagu boorinayaa inay qadariyaan waalidkood inta ay nool yihiin, maadaama ay yihiin furaha jannada iyo ilaha barakada.

May 14, 20244 minSeason 1Ep. 1

Ka Farxi Dadka 6 - Ku Raaxayso Noloshaada

Qaybtan waxay si qoto dheer uga hadlaysaa sida loo helo farxadda dhabta ah iyada oo la dhisayo xiriir wanaagsan, la adeegsanayo hadal macaan, iyo la raacayo akhlaaqda Islaamka. Waxay xoogga saaraysaa muhiimadda ficillada wanaagsan, bixinta sadaqada, iyo tusaalaha Nabiga (CSW) ee naxariista iyo dulqaadka. Ujeeddadu waa in la abuuro bulsho faraxsan oo is-qadarin leh.

Nov 05, 202233 min

Raaxada Jirka 5 (Full) - Ku Raaxayso Noloshaada

Qaybta 5aad: Raaxada Jirka: Daryeelidda jirkaagu saamayn aad u weyn bay ku yeelataa ku raaxaysiga noloshaada. Nabiga scw wuxuu inoo tilmaamay in qofka naftiisa ay xaq ku leedahay. Qaybtani waxay si dhab ah kaaga caawin doontaa: Sida aad u daryeeli lahayd caafimaadkaaga. Sida aad ku heli lahayd dhammaan maaddooyinka jirka u baahanyahay. Sida aad u ilaalin lahayd nadaafadda jirkaaga. In aad maalin walba samaysid jimicsi fudud. In aad heshid hurdo kuugu filan iyo daawada hurdo la’aanta. In aad aadd...

Nov 03, 202219 min

Raaxada Qalbiga 4 (FULL) - Ku Raaxayso Noloshaada

Waxa ugu weyn ee uu ku raaxaysto qalbigu, waa in uu helo jacayl joogta ah. Jacaylka waa waxa ugu quruxda badan ee la haysto. Sooma aad arkin marwalba oo aad fiirisid qofka aad jeceshahay, wajigaaga waxa ka muuqda farxad iyo dhoolla caddayn. Waxaan qaybtan kuugu soo bandhigi doonaa: Sida Jacayl qurux badan loo dhiso. Sida Jacayl kaas quruxda badan loogu noolaado. Sida loo doorto lammaanaha mustaqbalka. Qofka sida dhabta ah kuu jecel waxyaabaha lagu garto. Bankiga jacaylku waa maxay? Sida uu Nabig...

Oct 24, 202230 min

Ha is barbardhigin - Ku raaxayso Noloshaada

“Ahoow qofka adiga aad tahay. Faraxsanow kuna noolow noloshaada dhabta ah. Waxaa jira sabab uu illaahay kaaga dhigay sida aad tahay, kuu siiyay waxa aad haysato”

Oct 22, 20227 min

Raaxada Maskaxda 3 (FULL) - Ku Raaxayso Noloshaada

Inta aad nooshahay waxa ugu weyn oo farxad ama murug ku dareensiiya waa sida aad u fekerayso. Sababta aad ugu raaxaysan wayday noloshaada waa natiijad ka dhalatay qaabka liita ee aad u isticmaalayso maskaxdaada. Qaybtan wuxuu si dhab ah kaaga caawin doonaa: Sida loo oggaado waxa si dhab ahaan kuu farxad geliya. Sida aad u qaadan lahayd mas’uuliyadda nafsadaada. Sida ugu fiican ee loo dejiyo hadafyadaada iyo sida degdeg loogu gaaro hadaf kasta oo aad leedahay noloshaada. Sida aad ugu raaxaysan la...

Oct 22, 202237 min

Raaxada Ruuxda 2 - Ku Raaxayso Noloshaada

Marka aan raadiyay waxa ay ku raaxaysato ruuxdu, waxaan oggaaday qofka kaliya oo ii sheegi kara jawaabtaas in uu yahay midka abuuray ruuxda iyo dadka oo dhan; Allaah, kadib waxaan ka baaray Qur’aanka iyo sunnada, waxaan oggaaday in ruuxda aysan raaxaysanaynin illaa marka ay u dhowaato midka abuuray, Allaah! Waxaan soo qaadan doonnaa qaybtan: Macaanka uu leeyahay iimaanka iyo sida aan u heli lahayn macaankaas. Raaxada salaadda laga helo iyo sida aad ugu raaxaysan lahayd salaadda. Deggenaanshaha q...

Oct 17, 202217 min

Ha Murugoon 1 (FULL) - Ku Raaxayso Noloshaada

Waxaan marka ugu horreeya ku billaabi doonaa safarkeenna quruxda badan ku raaxaysiga nolosha, in aan daawo u helno muruggada aan dareemayno. Waxaan qaybtan kuugu soo bandhigi doonnaa: Sida aad maskaxdaada uga masaxi lahayd maalmo mugdi ah oo aad soo martay, uguna diyaarin lahayd maalmo nuur badan. Muhiimadda ay leedahay in aad noolaatid HADDA. Sida aad u qeexi ( fahmi ) lahayd dhibaatada ku haysata. Sida aad ku oggaan lahayd asal ahaan halka ay ka timid dhibaatada. Waxyaabaha aad ku xallin karto...

Oct 09, 202237 min

Hordhac - Ku Raaxeyso Noloshaada

Miyaad faraxsantahay? Ma tahay noloshan aad ku nooshahay, nolosha aad dhab ahaan u rabtay inaad ku noolaato? Hadaba, Kaalay oo ila fuul doonta " Ku Raaxeysiga Nolasha ”, doontaas oo kaa qaadi doonta halka aad maanta taagan tahay, kuna gayn doonta jasiirad aad u qurux badan oo ay naftaadu raalli ku tahay.

Oct 07, 202211 minSeason 1Ep. 1
For the best experience, listen in Metacast app for iOS or Android