Weli ma is waydiisay waxaad mar walba u niyad jabsantahay, uga daallantahay gudaha,u dareensantahay in aan lagu qiimaynayn? malaga yaabaa inaanad xuduudo dareemeed lahayn? Dhagaysi iyo Dhaqan-gelin wanaagsan 🌸 --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Aug 07, 2022•29 min•Season 1Ep. 27
Waa maxay samaysiga xuduudaha-qofeed? maxaynu se ugu baahannahay ayaynu xilqaddan isku waydiinaynaa. Dhagaysi wanaagsan 🌸 --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Jul 29, 2022•34 min•Season 1Ep. 26
Xilqaddan waxaynu kaga hadlaynaa siyayaabaha loo yarayn karo ama looga guulaysan karo Dhalanteedka-Dhammasytiranka. Dhagaysi iyo Dhaqan gelin wanaagsan 🌸 --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Jul 22, 2022•22 min•Season 1Ep. 25
'Waa maxay Dhalanteedka Dhammaystiranku'? Su'aashan ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan 🌸 --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Jul 15, 2022•38 min•Season 1Ep. 24
Xilqaddan waxaynu isla qaadaa-dhigaynaa 'bahdilaadda' , noocyadeeda iyo wajiyada kala duwan ee ay u dhacdo. Dhagaysi wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Jul 01, 2022•39 min•Season 1Ep. 23
Xilqaddan waxaynu ku baranaynaa sida loola dhaqmo dareemada ceebta iyo dhaqamada ka dhasha labadaba. Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan.🌸 --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Jun 24, 2022•33 min•Season 1Ep. 22
Weligaa ma dareentay in baqdin\cabsi ba'ani ku hadhayso marka aad is tiraahdo dadka dhexgal, madal tag ama meel lagaaga yeedho ay dadku ku badanyihiin? xilqaddan waxaad ku fahmaysaa meesha cabsidaasi kasoo unkamayso iyo qaababka aad u dumin karto ee uga xoroobi karto. Dhagsi iyo dhaqan-gelin wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Jun 17, 2022•37 min
Sidee ayaan u urugoodaa kadib marka qof aan jeclahay i cidleeyo, sideense u kala gartaa dareemada caafimaadka qaba iyo kuwa aan caafimaadka qabin ee ila hadhaya? Su'aalahan ayaan kaga jawaabayaa xilqaddan. dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Jun 12, 2022•45 min•Season 1Ep. 20
Xilqaddan waxaynu isla qaadaa-dhigaynayaa dareenka 'urugada' saamayntiisa iyo sida loola dhaqmo. Dhagaysi wanaagsan ✨ --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Jun 03, 2022•35 min•Season 1Ep. 19
Xilqaddan waxaynu ku baranaynaa waxa loo yaqaanno 'Ogaal-Neefsashada' faa'iidooyinkeeda iyo sida loo sameeyo. Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan 🙌 --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
May 21, 2022•36 min•Season 1Ep. 18
Xilqaddan waxaynu ku lafa guraynaa waxaynu u bixinay 'tabnaanshiyaha jidheed' waxa uu yahay,sida uu u abuurmo iyo sida looga bixi karo. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
May 13, 2022•34 min•Season 1Ep. 17
Xilqaddan waxaynu isku waydiinaynaa urugada hooyada soo foodsaarta kadib markay ilmaha dhasho, waa maxay calaamadaha lagu gartaa? sideese loola dhaqmaa? --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Apr 16, 2022•38 min•Season 1Ep. 16
xilqaddan kalsoonida waxaynu ku qeexnay sidan; waa karti iyo dareen gudeed oo ruuxu kashiisa ku beero taasi oo ku hagta in uu aamino ama ku tiirsado awoodihiisa qofeed. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Apr 08, 2022•32 min•Season 1Ep. 15
Xilqaddan waxaynu kaga jawaabaynaa su'aasha ah 'Awood intee le'eg ayaynu u leenahay inaynu siidayno dareemada aynaan jeclayn si aynu qayb uga noqonno kabashadeenna'?. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Apr 01, 2022•39 min•Season 1Ep. 14
Haddii waalidkaygu yaraantii isoo dhaawaceen sidee ayaan uga kaban karaa dareemada dhaawacaa ka dhasha, isla markaana sidee ayaan tabashadayda ugala hadli karaa hadda? --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Mar 25, 2022•23 min•Season 1Ep. 13
Naf-lahadalka aynu ka dhaxalnay xilqaddii 11aad waa sidee inuu noqdo, ayaynu is-waydiinaynaa xilqaddan 12aad. Dhagaysi wacan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Mar 21, 2022•33 min•Season 1Ep. 12
Psychologist kii waynaa ee reer Ingiriis John Bowlby wuxuu Sidkanaanta ku qeexay; isku xidhnaanshiyaha laxaweed ee raaga isla markaan ka dhaxeeya bani’aadamka. Xilqaddan waxaynu ku lafo guraynaa sida noocyadii kala duwanaa ee la inoo soo koriyay waynaanteenna inoo saamayn karaan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Mar 11, 2022•33 min•Season 1Ep. 11
Tiirsanaanta-Taban(Co-dependency) waxay dhacdaa marka qofku dulin-laxaweed (Emotional-Parasite) ku yahay dadyowga xidhiidhku kala dhaxeeyo. Xilqaddan waxaynu iswaydiinaynaa meesha ay kasoo unkanto tiirsanaanta-tabani, calaamadaha lagu garto iyo sida looga bixi karo. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Mar 04, 2022•25 min•Season 1Ep. 10
Fillaanshiyo- la’aantu waa dareen taban oo kasoo unkamay yaraantii marar kalena waxaa la kasbadaa waynaanta oo waxaa kugu abuura deegaanka iyo dadka kugu xeeran ee xayndaabkaaga kujira. Sidee looga tallaabaa dareemada fillaanshiyo la'aanta ayaynu ka sheekaysanaynaa. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Feb 25, 2022•30 min•Season 1Ep. 9
Hungowgu waa dareen xeeldheer oo qofka hadheeya hammina ku beera kadib markii sawir ama filasho uu si dhow qalbigiisa ugu hayey ay beenowdo ama midho dhali wayday, xilqaddan waxaynu iswaydiinaynaa sidii aynu ula dhaqmi karno dareenkaas. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Feb 18, 2022•21 min•Season 1Ep. 8
Lahaanshiyaha Maan-Dhibane waa dabeecad la kasbado/barto oo uu ruuxu u arko in uu dhibane u yahay waxkasta , in qawaaniinta dunidu liddi ku tahay, in uu mudanyahay in laga naxo oo marwalba loo nuglaado. Waxaynu xilqaddan isku waydiinaynaa calaamadaha lagu garto lahaanshiyaha maanka-dhibane iyo sida looga bixi karo. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Feb 11, 2022•17 min•Season 1Ep. 7
Naf-hagrashadu waa haysashada caqiidooyin ama aaminaado taban(negative) ah oo qofku ka haysto naftiisa , sida inuu aaminsanyahay in aanuu wanaag badan, lacag badan, degenaanshiyo badan qurux badan guulo adduun iyo kuwo aakhiro oo badan midna u qalmin. Waa laga yaabaa inaad iswaydiiso side ayay suurtagal u tahay? Ma qof wanaag neceb ayaa jira ? side qofku isula hadhi karaa? --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Feb 10, 2022•20 min•Season 1Ep. 6
Maxay ayaa maskaxdaada kusoo dhacaa markaad maqasho erayga 'Is-canaanasho'? Ma ogtahay in dareenka gudeed ee Is-canaanashadu uu burburin karo kalsoonidaada,waxyeeli karo kasmadaada kaa reebi karo inaad kaalin gasho oo ku dhiirato noqoshada qofka aad rabto inaad noqoto. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Feb 10, 2022•17 min•Season 1Ep. 5
La jaanqaadku waa lahaanshiyaha awood la qabsi uu ruuxu kula qabsado xaalad cusub oo soo korodhay, maaha shuruud ama khasab in uu raalli ka yahay ama ku negiyahay xaaladda markaa taagan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Jan 31, 2022•18 min•Season 1Ep. 4
‘Aq-balaadda’ ama afka qalaad waxa la yidhaahdo ‘ Acceptance ’ waxa kasoo horjeeda ‘ iska caabbin’ ama ‘ resistance’ , aqbalaaddu waa inaad arrimaha ku eegtid isha xaqiiqada, qirtid jiritaankooda iyo jirridooda oo aanad kala hortagin iska caabbin iyo dafiraad midna. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Jan 16, 2022•24 min•Season 1Ep. 3
Ahaanshiyo :Waa doorashada uu qofku doorto in uu dareenkiisa,diiraddiisa iyo ogaalkiisa oo dhammaystiran u soo jeediyo daqiiqadda ama ilbidhiqsiga uu imika iyo hadda joogo ee kujiro. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Jan 16, 2022•18 min•Season 1Ep. 2
Ogaal nafeedku waa lahaanshiyaha awood uu ruuxu naftiisa hoos ugu warhayn karo, ugu waraysan karo, wax isu waydiin karo isuguna warcelin karo, qeexi karo dareemihiisu Meesha ay kasoo burqanayaan,baahiyihiisu inta ay sii ridanyihiin iyo salka ay ku fadhiyaan inta uu le'gyahay. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Jan 16, 2022•11 min•Season 1Ep. 1
Waa maxay ujeedka aan u soo tebinayo taxanaha kabasho? --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Jan 15, 2022•52 sec