Codka Ubax - podcast cover

Codka Ubax

Ismaaciil C Ubaxwww.codkaubax.com

Codka Ubax waa podcast uu Ismaaciil kula sheekaysto dad uu u arko in ay saamayn togan ku leeyihiin bulshada, waxa xoogga lagu saari doonaa arrimaha bulshada ee wanaagga ah. 

Last refreshed:
Follow this podcast in the Metacast mobile app to refresh it and see new episodes.
Download Metacast podcast app
Podcasts are better in Metacast mobile app
Don't just listen to podcasts. Learn from them with transcripts, summaries, and chapters for every episode. Skim, search, and bookmark insights. Learn more

Episodes

SE02EP19 Tabaha Hagidda Bulshada

Send us Fan Mail Hababka ugu saamaynta badan ee wax loo gudbiyo waxa ka mid ah habka maadda iyo qosolka. Sooraan Ismaaciil waxa uu ku suntan yahay, dedaal badanna geliyaa hagidda bulshada, isaga oo u maraya jidkaa aynu hore u soo sheegnay. Waxaannu ku sheekaysannay magaalada Hargeysa. Dhegaysi wacan! Support the show

Dec 04, 202017 minSeason 2Ep. 19

SE02EP18 Dhisidda Kalsoonida Qoyska

Send us Fan Mail Hadalhaynta tusaalayaasha togan ayaa inta badan ka saamayn iyo waxtar badan buunbuuninta mushkiladaha taagan. Wax badan ayaynu aragnaa sheekooyinka taban ee qoysaska Soomaalida, waxa se muhiim ah in sidoo kale xoogga la saaro sootebinta kuwa guulaystay. Waxa ila jooga lammaanaha Mahad Jaamac Koronto iyo Warda-Sagal Axmed Rooble. Dhegaysi wacan! Support the show...

Nov 27, 202032 minSeason 2Ep. 18

SE02EP17 Jacaylka & Nacasnimada Maxaa Ka Dhexeeya?

Send us Fan Mail Marka jacayl dhab ahi ku hayo, waxa kaa tegaya go'aanka. Waxa kugu badanaya dabacsanaanta iyo u hoggaansamidda xaalado aanad beryaha qaar oggolaateen, wax walbana in aad tunka saarato ayaa suurtagal ah. Dr. Axmed Cali "Cantar" ayaannu ka sheekaysannay mawduucan iyo heesihiisaba. Dhegaysi wacan! Support the show

Nov 20, 202031 minSeason 2Ep. 17

SE02EP16 Maxamed M. Cabdi "Haykal"

Send us Fan Mail Inta badan dhaqanka miyiga iyo Soomaalidii hore waxa aynu ku eegnaa indho kalgacayl leh, tusaalooyin badan oo toganna waynu u soo qaadannaa. Dhaqankaasi, saamayn noocee ah ayuu ku leeyahay nolosheenna maanta, xumaan iyo samaanba? Abwaan Haykal ayaa ila wadaagaya xikmad iyo suugaanba. Dhegaysi wacan! Support the show

Nov 13, 202032 minSeason 2Ep. 16

SE02EP15 Cabdillaahi Xasan Ganey

Send us Fan Mail Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya suugaanta Abwaan Cabdillaahi Xasan Ganey iyo waxbarashadiisa, sidee ayay se isu la fal galaan? Heesihiisa oo 70 kor u dhaafay, kuwee ayaad ka taqaannaa, sidoo kale suugaanta Soomaalida iyo aayaheeda dambe muxuu ka yidhi? Waxa aad ku maqli doontaa hees cusub oo uu abwaanku hadda soo saaray. Dhegaysi wacan! Support the show...

Nov 06, 202031 minSeason 2Ep. 15

SE02EP14 Difaaca Nebiga

Send us Fan Mail Waxa dunida maanta ka jira olole lagu ceebaynayo Nebigeenna Muxammad ﷺ. Waa muhiim in laga dhiidhiyo, laakiin waa sidee habka ugu wanaagsan ee Nebiga ﷺ loogu hiiliyaa? Dhegaysi wacan. Support the show

Oct 30, 202017 minSeason 2Ep. 14

SE02EP13 Cisbitaalka Jacaylka

Send us Fan Mail Qofku marka uu jidhka ka bukoodo, cisbitaalka ayuu tagaa, daawooyinna ka soo qaataa. Haddii se jacayl ku xumaado, halkee la tagaa? Cisbitaalka Jacaylka kaftan ayaan u haystay, dhegaysi wacan! Support the show

Oct 23, 202024 minSeason 2Ep. 13

SE02EP12 Sucaad Carmiye

Send us Fan Mail Isbeddel kasta oo bulshada ku cusubi waxa uu la kulmaa cadaadis iyo cabbudhin. Sucaad Carmiye Odowaa waxa ay go'aansatay in ay halgan u gasho waxa ay aaminsan tahay oo ah xuquuqda dhallinyarada iyo haweenka. Waxa ay u sharraxan tahay xubin baarlamaan oo Somaliland ah. Sidee looga falceliyay go'aankeeda, sidoo kale waa maxay sababta ay halgankaas ugu badheedhay, maxaa se ka dhexeeya Sucaad iyo Saado Cali? Dhegaysi wacan! Support the show...

Oct 16, 202039 minSeason 2Ep. 12

SE02EP11 Abwaan Khaliif Faarax Xayir & Socdaalkii Dheeraa

Send us Fan Mail Abwaan Khaliif Faarax Xayir isaga oo yar ayuu gurigoodii ka tegay, waa dalmar soo arkay dhul tiro badan oo dalka iyo debeddiisaba ah. Nolol wejiyo badan leh ayuu soo maray, waxa se mar kasta wehelkiisa ahaa halabuurkiisa iyo suugaanta uu ka curinayo xilliyada qallafsan iyo kuwa ladanba. Dhegaysi wacan! Support the show

Oct 10, 202044 minSeason 2Ep. 11

SE02EP10 Ayaan Axmed Caydiid & Suugaanteeda Jacaylka

Send us Fan Mail Dumarka suugaanyahanka ahi way kooban yihiin, sidoo kale kuwooda jacaylka ka maansoodaa waa dhawr. Ayaan Axmed Caydiid "Kaaba", waa halabuur suugaanteedu dhaliso hadalhayn joogto ah. Waa maxay sababtu? Dhegaysi wacan. Support the show

Oct 02, 202038 minSeason 2Ep. 10

SE02EP09 Dhal Wadaad La Moodyey

Send us Fan Mail Tabaha xidhiidhka bulshadu waxa uu la jaanqaadaa hadba casriga la joogo. Sida maanta looga wada hadlo telefoonnada iyo internetka, berigii hore loo ma aqoon. Sidee waalidkeen u xidhiidhi jirey, ma soo gaadhay se wakhtigii jacaylkaaga loo qori jirey waraaqo ay ku sawiran yihiin wadnayaal waaweyni? Dhegaysi wacan! Support the show

Sep 25, 202016 minSeason 2Ep. 9

SE02EP08 Abwaan Siddiiq Burmad

Send us Fan Mail Abwaan Siddiiq Maxamed Burmad waxa laga yaabaa in aad codkiisa ka maqashay BBC Somali oo uu uga warramo Hargeysa. Waxa kale oo codkiisa si aan toos ahayn aad uga maqashay fannaaniin badan. Waa abwaanka sameeyay heesaha ay ka midka yihiin, Been Go’ Lagu Deday, Xalaawatulaws, Caashaqu Danguud Maaha, Qaaddiraw Allahayow, Dhulkaagaa Lagu Hodmaa iyo qaar kale oo badan. Dhegaysi wacan! Support the show...

Sep 18, 202046 minSeason 2Ep. 8

SE02EP07 Tufaaxii Aan Tirsaday

Send us Fan Mail Weli qof aad si kedis ah u kulanteen, dabeecaddiinuna is fahantay, weliba aad iska hesheen, ma is weydeen markiiba, sidaasna ma ku kala lunteen. Cumar Seerbiya ayaa markii u horreysay u safray Jabuuti, jidka waxa ay sii wada mareen Sahra. Iyaga oo isku faraxsan ayay kala lumeen markii ay xadka Jabuuti gaadheen. Dhegaysi wacan! Support the show

Jul 25, 202023 minSeason 2Ep. 7

SE02E06 Halgankii SYL Noocee Ayuu Ahaa?

Send us Fan Mail Ururrada gobanimadoonka ee Soomaalidu way badnaayeen. In badan waxa laga hadlaa SYL oo lagu sheego in ay ahayd hormoodka ururradaas. Maxaa ka jira, halgan noocee ah ayay se gashay? Waxa aan kala sheekaystay qoraa Sayid Axmed Dhegey oo ku nool dalka Sweden, buugaag dhawr ahna ka qoray sooyaalka Soomaalida. Support the show

Jul 18, 202033 minSeason 2Ep. 6

SE02EP05 Farshaxanka Munira Yussuf

Send us Fan Mail Munira Yussuf waa farshaxan wax ku sawirta kombiyuutarka "Digital Artist". Waxsoosaarka Munira ayaa aad looga bartay dalka Sweden iyo qaaradda Yurub oo dhan muddooyinkii u dambeeyay. Munira waxa hore loogu diiday in loo qaato qaar ka mid ah dugsiyada farshaxanka lagu dhigto ee dalka Sweden, maantana dugsiyadii laftoodii ayaa soo dalbanaya in ay farshaxankeeda ku soo bandhigto iskuulladaas. Support the show...

Jul 10, 202022 minSeason 2Ep. 5

SE02EP04 Waayihii & Waxqabadkii Maxamed Baashe X. Xasan

Send us Fan Mail Maxamed Baashe X. Xasan waxa uu ku geeriyooday magaalada London, maalintii Khamiistii, 18-kii June 2020. Maxamed waxa uu ahaa qoraa/suxufi/halgamaa jecel horumarinta afka iyo dhaqanka oo uu waxsoosaar badan ku darsaday, sidoo kale waxa uu ahaa qof aragti ku socda oo aan fikirkiisa la baqan. Shakhsiyaddiisii iyo waxsoosaarkiisii waxa ka warramaya qaar ka mid ah asxaabtiisii, Cabdi Faarax Juxa, Rashiid Sh. Cabdillaahi, Saynab Daahir, Boodhari Warsame iyo Xamda Cigaal. Alle ha u na...

Jun 21, 202028 minSeason 2Ep. 4

SE02EP03 Waa Layga Guursaday 1

Send us Fan Mail Siyaabo kala duwan ayay isu waayi karaan labada jeceli. Waxa ka mid ah faragelin waalid, duruufo bulsho ama isfahandarro labada dhinac ah. Laba ka mid ah sheekooyinkii ugu saamaynta badnaa taxanihii la odhan jirey #WaaLaygaGuursaday ayaynu qaybtan ku eegaynaa. Support the show

Jun 13, 202024 minSeason 2Ep. 3

SE02EP02 1979: Kulankii Aniga & Cabdi Tahliil

Send us Fan Mail Alle ha u naxariisto fannaankeennii weynaa ee Cabdi Tahliil Warsame. Muddo 20 sanno ah oo uu xanuunsanayay ka dib, 5-tii Juun ee 2020-ka ayuu geeriyooday fannaanku. Waxa aan anigu ku xasuusanayaa kulan na dhex maray 1979-kii, aniga oo aan weli dhalan. Dhegaysi wacan! Support the show

Jun 05, 202012 minSeason 2Ep. 2

SE02EP01 Ujeeddada Mahadnaqa

Send us Fan Mail Caqabadaha nolosha kula soo gudboonaada oo dhan, waxa lagaga gudbi karaa dhabaradayg iyo samir. Kuwaas wasa sees u ah mahadnaqa Eebbe. Qaybta barnaamijkan oo ah bilowga Season 2 ama Kalka 2-aad, waxa aynu ku eegi doonnaa muhiimadda mahadnaqu u leeyahay qofka. Support the show

May 29, 202010 minSeason 2Ep. 1

SE01EP12 Su'aalaha Dhegaystaha 1

Send us Fan Mail Su'aalo badan oo ay dhegaystayaashu soo weydiiyeen daaddihiyaha Codka Ubax ayaa barnaamijkan sal u ah. Amina-Isir ayaa qaybtan gadhwadeen ka ah. Dhegaysi wacan! Support the show

Apr 17, 202032 minSeason 1Ep. 12

SE01EP11 Fathia Absie

Send us Fan Mail Bulshooyinka Soomaalidu aad ayay jacaylka u qaddariyaan, una weyneeyaan dhanka fanka iyo suugaanta marka ay tahay. Balse nolosha caadiga ah, isku si uga ma muuqato dhaqankeenna. Waa maxay sababta jacaylka looga xishoodaa, dadka is qabana aan looga dareemin? Fathia Absie ayaan kala sheekaystay su'aashan iyo kuwo kaleba. Support the show

Apr 10, 202047 minSeason 1Ep. 11

SE01EP10 Dhaqanka Akhriska ee Sweden

Send us Fan Mail Sweden waxa ay aaminsan tahay, ardayga haddii aan afkiisa hooyo lagu barin iskuulka, afafka kalena wax hagaagsan ka baran maayo. Sidee ayay bulshada Soomaalida ee reer Sweden uga faa'idaystaan fursaddan? Waxa aan la sheekaystay Qoraa Musa Dalmar oo qora buugaagta carruurta, soona turjuma kuwa dhiggooda ah ee Swedish-ka ah. Support the show

Mar 27, 202027 minSeason 1Ep. 10

SE01EP09 Carruur Cag Weyn 2

Send us Fan Mail Waa sidee xaaladda qoysaska Soomaalida ah ee deggan Sweden? Waxa aan kala sheekaystay Khadra iyo Hana. Support the show

Feb 29, 202034 minSeason 1Ep. 9

SE01EP08 Sihaam Muumin

Send us Fan Mail Waxbarashadu waxa ay ka mid tahay tiirarka horumarka ee ugu waaweyn. Sihaam waxa ay heshay deeq waxbarasho oo Maraykanka ah, maantana waxa ay ka shaqaysaa arrimaha bulshada. Waxa aannu bun ku wada cabnay makhaayad ku taalla Hargeysa, goor ay wax u dhigaysay hablo da' yar. Support the show

Feb 21, 202016 minSeason 1Ep. 8

SE01EP06 Abwaan Qalinle & Mushkiladaha Haasaawaha

Send us Fan Mail Abwaan Cabdiqaadir Qalinle waa saaxiib ka maansooda jacaylka iyo hawlihiisa. Maanta, Qalinle waxa uu ka faalloonayaa mushkiladaha haasaawaha. Support the show

Jan 26, 202026 minSeason 1Ep. 6

SE01EP05 Koboca Maandooriyaha

Send us Fan Mail Bulsho si ay horumar u gaadho, waa in ay jidhka iyo garaadkaba ka korranaataa. Waxa bulshada ku soo badanaya isticmaalka daroogooyinka kala duwan. Waa maxay sababtu, maxaa se la gudboon hay'adaha dawladda iyo kuwa gaarka ahba, se maxaa waalidka looga baahan yahay? Support the show

Jan 17, 202033 minSeason 1Ep. 5

SE01EP04 Jigjiga & Jeel Ogaadeen

Send us Fan Mail Hamse waxa uu ka mid ahaa maxaabiistii ku xidhnayd jeelka caanka ah ee Jeel Ogaadeen loo yaqaanno, kuna yaalla magaalada Jijiga. Support the show

Jan 10, 202032 minSeason 1Ep. 4

SE01EP03 Carruur Cag Weyn 1

Send us Fan Mail Waa maxay sababta loo la yaabo marka la arko lammaane isku faraxsan, miyaanay ahayn in lala yaabo labada kale. Raggu ma cadow baa, se dumarku ma carruur cag weyn baa? Support the show

Dec 20, 201914 minSeason 1Ep. 3
Hosted on Buzzsprout
For the best experience, listen in Metacast app for iOS or Android