Codka Ubax - podcast cover

Codka Ubax

Ismaaciil C Ubaxwww.codkaubax.com

Codka Ubax waa podcast uu Ismaaciil kula sheekaysto dad uu u arko in ay saamayn togan ku leeyihiin bulshada, waxa xoogga lagu saari doonaa arrimaha bulshada ee wanaagga ah. 

Last refreshed:
Follow this podcast in the Metacast mobile app to refresh it and see new episodes.
Download Metacast podcast app
Podcasts are better in Metacast mobile app
Don't just listen to podcasts. Learn from them with transcripts, summaries, and chapters for every episode. Skim, search, and bookmark insights. Learn more

Episodes

SE04EP15 Deegaanka & Duurjoogta: Huda Cali Banfas

Send us Fan Mail Waa barnaamijka Deegaanka & Duurjoogta. Waxa aan xaaladda duurjoogta dalka kala sheekaystay Huda Cali Banfas oo shaqadeedu tahay badbaadada iyo daryeelka duurjoogta. Dhegaysi wacan! Support the show

Dec 10, 202156 minSeason 4Ep. 15

SE04EP13 Fanka & Suugaanta: Cawaale Deeqsi

Send us Fan Mail Waa barnaamijkii kowaad ee ku baxa maqal & muuqaal. Qaybtani waa dhegaysi, haddii aad doonayso in aad daawato qaybtan, booqo boggayaga Youtube, adiga oo ku baadhaya magaca Codka Ubax. Barnaamijka Fanka & Suugaanta oo taxane ah waxa marti ku ah Cawaale Deeqsi. Dhegaysi/daawasho wacan! Support the show

Nov 05, 202137 minSeason 4Ep. 13

SE04EP12 Waa Layga Guursaday 6

Send us Fan Mail Waa qaybtii lixaad ee taxaneheennii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko, ta kowaad waxa la yidhaa ”Islaan Baan Qalayay”, ta labaadna ”Igu Labee”. Dhegaysi wacan! Support the show

Sep 24, 202113 minSeason 4Ep. 12

SE04EP11 Makhaayadda Hablaha - Rinkeby

Send us Fan Mail Badhtamaha xaafadda ugu hadalhaynta badan magaalada Stockholm, marka ay noqoto dhanka rabshadaha, waxa ku taalla makhaayad nooceedu ku yar yahay ogaalka dadka. Waa makhaayad la yidhaa Tast of Africa oo loo furay dumarka oo keli ah. Waxa aan la sheekaystay mulkiilaha, Ubax Cumar Toosh. Dhegaysi wacan! Support the show

Sep 10, 202120 minSeason 4Ep. 11

SE04EP10 Noocyada Jacaylka & Aragtida Suugaanyahanka

Send us Fan Mail Jacaylku waa maxay, imisa nooc ayuu u qaybsamaa, ma daruuri baa in wax la jeclaado mise waa dookh, ragga iyo dumarka sidee ayuu u kala saameeyaa, waa se maxay aragtida suugaanyahanka ee jacaylku? Waxa aan la sheekaystay Mawliid Aadan Biixi oo ah Qoraa iyo Suugaanyahan ku xeel dheer dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan! Support the show

Aug 20, 202141 minSeason 4Ep. 10

SE04EP09 Waa Layga Guursaday 5

Send us Fan Mail Waa qaybtii shanaad ee tanaxanihii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko oo la kala yidhaa, "Hooyaa i Tidhi ha Guursan" iyo "Sannad Baan is Qabnay." Dhegaysi wacan! Support the show

Aug 13, 202113 minSeason 4Ep. 9

SE04EP08 Ciid Wanaagsan

Send us Fan Mail CIID WANAAGSAN - Waxa barnaamijkan daaddihinaya Abwaan Cabdillaahi Xasan Ganey, waxana ka mid ah dadka ka qaybqaadanaya, Faysal Xawaase, Xasan Waddo, Mubaarig Qoorubaxay, Khaliif Faarax Xayir iyo Samatar Siciid Saalax. Dhegaysi wacan! Support the show

Jul 23, 202115 minSeason 4Ep. 8

SE04EP07 Gefka Jacaylka ka Daaya

Send us Fan Mail Abwaan Keyse Maxamed "Galaydh" waa gabyaa ka maansooda nolosha qaybaheeda kala duwan. Isaga oo safar ah, ka yimid Jigjiga, una socda Burco, ayaannu ku sheekaysannay Hargeysa, suugaantiisa dhanka jacaylka iyo waxbarashadana ku wadaagnay. Dhegaysi habboon! Support the show

Jul 09, 202147 minSeason 4Ep. 7

SE04EP06 Jawhar: Jidkii Dheeraa ee Saxaafadda

Send us Fan Mail Wax ka baro magaalada Jawhar oo ah halka uu ku dhashay Siciid Xagaa Afrax. Siciid oo saxaafadda ku jirey muddo 20 sannadood ah, waxa uu ka warramayaa jabkii uu u soo maray mihnaddiisa iyo sidii uu uga gudbay caqabadahaas. Dhegaysi wacan! Support the show

Jul 02, 202130 minSeason 4Ep. 6

SE04EP05 La Dalxiis Codka Ubax: Ceerigaabo 2

Send us Fan Mail Waa qaybtii labaad ee barnaamijkii dalxiiska ee Ceerigaabo. Qaybtan waxa aynu ku tegi doonnaa buurta Daalo. Waxa aynu subax hore ka bixi doonnaa magaalada Ceerigaabo, innaga oo ka sii quraacan doonna tuulada Karin. Waxa safarka hage ka ah Cabdirisaaq iyo Khadiija. Dhegaysi wacan! Support the show

Jun 25, 20211 hr 26 minSeason 4Ep. 5

SE04EP04 La Dalxiis Codka Ubax: Ceerigaabo 1

Send us Fan Mail Waxa aannu dalxiis ku tegaynaa gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo iyo Buurta Daalo. Barnaamijku waa laba qaybood. Qaybta labaad waxa ay ku soo bixi doontaa barnaamijka kan xiga. Nala dalxiis. Dhegaysi wacan! Support the show

Jun 18, 20211 hrSeason 4Ep. 4

SE04EP03 Waa Layga Guursaday 4

Send us Fan Mail Waa barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday" qaybtiisii afraad. Waxa qaybtan ku jira labada sheeko ee la kala yidhaa "Jacayl-ku-xigeen" iyo "Wuu Iga Adkaa". Dhegaysi wacan! Support the show

Jun 04, 202110 minSeason 4Ep. 3

SE04EP02 Nidaamka Doorasho ee Somaliland

Send us Fan Mail Dhallinyar badan oo ay da’doodu ka yar tahay 31 jir, ayaa markii u horreysay noloshooda codayn doona oo soo dooran doona Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland. Sidoo kale waxa isla mar dhacaysa doorashada Golaha Deegaanka. Barnaamijkan oo aqoonkorodhsi ah, waxa aynu ku eegi doonna taariikhda doorashooyinka Somaliland iyo marxaladaha ay soo mareen. Sidee loo qaybiyaa 82-ka kursi ee Wakiillada? Doorashadani maxay kaga duwan tahay kuwii hore? In reernimo la isku soo xulo, ma ...

May 28, 202132 minSeason 4Ep. 2

SE04EP01 Guurso Inta Aanad Bac Yeelan

Send us Fan Mail Quruxda iyo degganaanshaha reerku waxa uu ku xidhan yahay isfahan dheeraad ah oo ka dhasha wadahadal iyo in si joogto ah la isu waraysto. Waxa aan Rooble Maxamed kala sheekaystay derajooyinka guurka ka horreeya iyo kuwa guurka laftiisa, sidii ay ahaan jireen iyo maanta sida ay yihiin. Dhegaysi wacan! Support the show

May 21, 202152 minSeason 4Ep. 1

SE03EP14 La Cawee Codka Ubax

Send us Fan Mail Waa maalin Jimce ah, waxa aannu ku sugan nahay beer ka mid ah beeraha waaweyn ee degmada Arabsiyo. Waxa Codka Ubax si gaar ah ugu heesaya fannaaniinta kala ah Farxiya Fiska, Mahad Gelin Hore, Yurub Geenyo iyo Cabdi Yare. Cuudka waxa tumaya Nuuradiin Cali Amaan iyo Mustafe Cabdiqays, darbuugaddu waa Cali Aanso. Nala cawee. Dhegaysi wacan! Support the show...

Apr 09, 202145 minSeason 3Ep. 14

SE3EP13 Hiilka Ubadka Baahiyaha Gaarka Ah Leh

Send us Fan Mail Maxaa looga jeedaa baahiyaha gaarka ah, weli se ma is weydiisay inta nooc ee ay u qaybsamaan. Waxa laga yaabaa in aynu u naqaanno dadka aan laxaadkoodu dhammayn, gaar ahaan kuwa aynu muuqaalkooda ka garan karno oo keli ah. Balse ma og tahay in baahiyaha gaarka ah kuwooda ugu badani aanay qofka muuqaalkiisa ka muuqan. Cabdishakuur Maxamed Cabdi oo muddo dheer u dagaallamayay xuquuqda carruurta dugsiyada dhigta ee leh baahiyaha gaarka ah, ayaannu ka waraysannay. Dhegaysi wacan! Su...

Apr 02, 202148 minSeason 3Ep. 13

SE03EP12 Waa Layga Guursaday 3

Send us Fan Mail Waa qaybtii saddexaad ee taxanaheennii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku eegaynaa laba sheeko oo la kala yidhaa "Hooyaan Noolayn" iyo "Beerlula". Dhegaysi wacan! Support the show

Mar 26, 202115 minSeason 3Ep. 12

SE03EP11 Himilada Ciyaaraha Hablaha

Send us Fan Mail In bulshadu, rag iyo dumarba, yeelato goobo ay ku dadkeedu ku ciyaaraan, kuna jimicsadaan, waxa ay korisaa caafimaadkeedka jidheed iyo bedqabkeeda maskaxeed, labadaba. Haddaba, maxay tahay sababta bulshada lafteedu indho gaar ah ugu eegto hablaha ciyaara kubbadaha kala duwan? Sidee ayaa se looga dhigi karaa ciyaaraha hablaha, kuwo aan laga qaloon? Ayaan Maxamed waxa ay tababare u tahay hablo gaadhaya 100, kala joogana gobollo kala duwan. Dhegaysi wacan! Support the show...

Mar 19, 202128 minSeason 3Ep. 11

SE03EP10 Ayeeyo Xaawa Ismaaciil

Send us Fan Mail Aan idin baro ayeeyday Xaawa Ismaaciil. Ayeeyo waa qofka aan doonayo in aan u dabbaaldego bishan haweenka awgeed. Ma aha oo keli ah tiirka ugu weyn ee maanta lagu faano, balse aniga waa ii halyey. Ayeeyo da’deedu waa 81, waxana ay carruurteedu marayaan afar jiil. Tirada ubadka ay dhashay iyo dhashoodu, waa 51 qof. Waxa ay iiga warramaysaa waayaheedii dhallaannimo, jiilashii iyada ka horreeyay iyo dabcan sidii xaalku ahaa wakhtigeedii. Dhegaysi wacan! Support the show...

Mar 13, 202145 minSeason 3Ep. 10

SE03EP09 Xidhiidhka Afka & Dhaqanka

Send us Fan Mail Xidhiidh noocee ah ayaa ka dhexeeya afka iyo dhaqanka, sidee ayaanay isu saameeyaan? Dhaqanku weligii meeshiisa taagnaan maayo, ayuu qabaa Dr. Xuseen Saleebaan. Cabdi Gurey waxa uu leeyahay, afku marxalado badan ayuu soo maray, muhiimadduna waa in ereyada cusubi aanay meesha ka saarin kuwii Soomaaliga ahaa. Balse si afka loo ilaaliyo, waa in dadka qurbaha ka imanaya ee afku ku adag yahay aan lagu qoslin, lana faquuqin, waa sida ay Hibaaq Cali qabto. Dhegaysi wacan! Support the s...

Feb 26, 20211 hr 7 minSeason 3Ep. 9

SE03EP08 Digtoorkii Bajaajta

Send us Fan Mail Qof aad si kedis ah ula kulantay oo aad ka heshay, sidaasna aad ku kala lunteen, sideed ku heli lahayd? Dareenka noocan ahi waxa uu ku kooban yahay qof keli ah, mana sahlana sida dareenkaas loo la noolaadaa. Sheekadan waxa ila wadaagtay inan ka mid ah dhegaystayaasha Codka Ubax. Dhegaysi wacan! Support the show

Feb 19, 202113 minSeason 3Ep. 8

SE03EP07 Caweyska Hargeysa & Galaydh

Send us Fan Mail Maxamed Galaydh waa suugaanyahan ka mid ah dadka aan xiiseeyo in aan wakhti la qaato, mar kasta oo aannu isu nimaadnana aannu fikirro is weydaarsanno, wakhtigana illowno. Caweyskan aannu Hargeysa ku wada qaadannay, waxa uu isaga gudbayaa mawduucyada nolosha intooda aan jeclahay oo dhan. Ila dhegayso! Support the show

Feb 12, 202136 minSeason 3Ep. 7

SE03EP06 Yaad Ku Dayataa?

Send us Fan Mail Dhiirrigelinta dhallinyarada, waa tiir ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee uu ku taagan yahay Codka Ubax. Barnaamijkan waxa aynu ku eegi doonnaa sifooyinka saxda ah ee ay tahay in uu lahaado qofka aynu ku dayanaynaa. Waxa mawduucan soo jeedinaya Mudane Maxamed Cumar Carte. Dhegaysi wacan! Support the show

Jan 29, 20211 hr 18 minSeason 3Ep. 6

SE03EP05 Waa Layga Guursaday 2

Send us Fan Mail Siyaabo kala duwan ayay isu waayi karaan labada is jeceli. Waxa ka mid ah faragelin waalid, duruufo bulsho ama isfahandarro labada dhinac ah. Waa barnaamijkii labaad ee taxanaha #WaaLaygaGuursaday. Dhegaysi wacan! Support the show

Jan 22, 202121 minSeason 3Ep. 5

SE03EP04 Doorka Saxaafadda ee Horumarinta Bulshada

Send us Fan Mail Saxaafaddu waxa ay door weyn ku leedahay horumarinta iyo dhismaha bulshada. Waa barta laga hago ummadda, laga toosiyo hoggaanka, laguna kaydiyo sooyaalka ummadeed. Haddaba waxyaabaha curyaamiya maxaa ka mid ah, sidoo kale diintu maxay ka qabtaa in dano kale la hoos gashado werinta dhacdooyinka? Waxa ila jooga weriye Siddiiq Maxamed Burmad. Dhegaysi wacan! Support the show...

Jan 15, 202139 minSeason 3Ep. 4

SE03EP03 Mustaqbalka Ganacsiyada Yaryar: Adeegsiga Tiknoolajiyadda iyo Saamayntooda Dhaqaale

Send us Fan Mail Waa barnaamijkii labaad ee taxanaha barnaamijyada aynu ku eegayno ganacsatada yaryar ee bilowga ah. BarnaamijkanI waxa uu diiradda saari doonaa habka ganacsiyada yaryari wax uga bedDeli karaan mustaqbalka dalka iyo sida ay u soo kordhin karaan halabuur tiknoolajiyeed. Waxa ila jooga Axmed Cali iyo Cabdifataax Suldaan. Dhegaysi wacan! Support the show

Jan 12, 202133 minSeason 3Ep. 3

SE03EP02 Dhallinyarada & Bilowga Ganacsiga: Fursadaha & Caqabadaha

Send us Fan Mail Waa barnaamijka kowaad ee taxanaha aynu kaga hadli doonno dhallinyarada iyo ganacsiyada yaryar. Qaybtan waxa aynu ku eegaynaa fursadaha iyo caqabadaha hor yaalla dhallinyarada doonaya in ay la yimaaddaan halabuur ganacsi. Waxa ila jooga Xasan Gaadh-haye iyo Aasiya Siciid. Support the show

Jan 08, 202134 minSeason 3Ep. 2

SE03EP01 Sannadguurada Kowaad ee Codka Ubax

Send us Fan Mail Waa sannad cusub iyo Season 3. Waxa aannu dib u eegaynaa sannadkii tegay iyo barnaamijyadii baxay sannadkaas. Sidoo kale waxa aannu eegaynaa filashada sannadka soo socda, haddii Eebbe idmo. Waxa ila fadhiya Cawaale Deeqsi, Hibaaq Larry iyo Shukri Nuur. Dhegaysi wacan! Support the show

Jan 05, 202127 minSeason 3Ep. 1

SE02EP20 Suugaanta Weedhsame & Noocyadeeda

Send us Fan Mail Abwaan Weedhsame waxa uu macallin ahaa in ka badan 15 sanno, sidee macallinnimadiisu u saamaysaa suugaanta uu abuuro? Sidoo kale xidhiidh noocee ah ayaa ka dhexeeya suugaanta abwaan Weedhsame iyo xiddigaha sare? Siyaasadda ma khasab baa in laga maansoodo, se goorma ayuu ka caafimaaday jacaylkii dhawrka sanno dul degganaa? Dhegaysi wacan! Support the show...

Dec 11, 202038 minSeason 2Ep. 20
Hosted on Buzzsprout
For the best experience, listen in Metacast app for iOS or Android