Xidhiidhada Nolosha Podcast - podcast cover

Xidhiidhada Nolosha Podcast

Amaal Haybewww.buzzsprout.com

Kusoo dhawoow Xidhiidhada Nolosha Podcast. Magacaygu waa Amaal Haybe waxaan ahay tababare nololeed oo qaabilsan dhisida xidhiidhada fayow iyo kobcinta hab-fikirka togan. 


Waxaan halkan kuuguso gudbin doonaa qaababka cilmiyaysan ee aad naftaada iyo dadka kaleba u la yeelan karto xidhiidh cafimaad qaba oo fayow.

Kuxidhnow Xidhiidhada Nolosha Podcast oo salaasa kaste 7:00pm fiidnimo aad ka heli doontid mawduucyo saamayn wanaagsan kuyeelan doona xidhiidhada ka tirsan noloshaada iyo cafimadkaaga maskaxeed. 

Dhagaysi wacan. 

Last refreshed:
Follow this podcast in the Metacast mobile app to refresh it and see new episodes.
Download Metacast podcast app
Podcasts are better in Metacast mobile app
Don't just listen to podcasts. Learn from them with transcripts, summaries, and chapters for every episode. Skim, search, and bookmark insights. Learn more

Episodes

Cafimadka Maskaxda & Ramadanta

Fariin ii reeb :) Cafimaadka maskaxdu waa mid ay tahay qofku inuu ka war hayo markaste waayo waa waxa ugu muhiimsan ee laga saadaalin karo nololshaadu waa mid sidee u eeg iyo sidoo kale isbadalka wanaagsan ee aad doonaysid inaad noloshaada kusoo kordhisid ama aad ku aragtid. Daryeel cafimaadkaaga maskaxeed malin kaste adoo samaynaya caadooyin fudud oo qaar qaadanayaan 1 -4 daqiiqo malinkii. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp...

Apr 08, 202516 min

Baraarujin - kala duwanaanshiyaha ahdaafta bisha ramadan

Fariin ii reeb :) Bilowga ramadan waxaan kugu baraarujinayaa dhowrkan qodob ee aan kusoo koobay xalqadan. Baraarujintani waxay saamayn wayn kuyeelan doontaa qaabka aad ahdaaftaada ramadan aad u samaysatid iyo sidoo kale uga dhigtid mid kusalaysan cidaad tahay, halkaad nolosha maraysid, awoodahaaga iyo xirfadahaagaba. Dhagaysi wacan :) https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp...

Mar 01, 202528 minSeason 3Ep. 1

Su'aalo & Jawaabo

Fariin ii reeb :) Kusoo dhawoow barnamijka Su'aalo & Jawaabo. Labdan su'alood waxay khuseeyaan nolol malmeedkeena iyo sidaa aynu wax uga ogaan lahayn mararka qaar dareemada culusi soo if-baxaan fariinta ka danbeysa. Dhagaysi wacan :) https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp...

Oct 08, 202424 min

Sidee Looga Baxaa Tacadiga Narcissistic Abuse| Q-2aad

Fariin ii reeb :) Waa maxay talaabooyinka uu qaadi akro qofka raba in uu ka baxo xidhiidhuu kala kulmaya tacadiga loo yaqaano 'Narcisisstic Abuse'. Ka dhagayso xalqadeena isbuucan. Dhagaysi Wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp

Jul 30, 202418 minSeason 2Ep. 65

Tacadiga Narcissistic Abuse| Q-1aad

Fariin ii reeb :) Calaamado noocma ah ayaad ku garan kaartaa tacadiga loo yaqaano Narcissistic abuse ? Muxuu kaga duwan yahay xidhiidhada kale ee aan fayoobayn ee loo yaqaano ' toxic relationships '. Xalqadan waxan kaga hadlay astaamaha iyo saamaynta tacadiga noocan ah. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp...

Jul 23, 202426 minSeason 2Ep. 64

Dabeecada Shaki - Abuurka| Gaslighting| Q-2aad

Fariin ii reeb :) In badan oo inaga midi kuma baraarugsanin dhibta ay leedahay dabeecadan loo yaqaano 'gaslighting'. Xalqadan iyo ta isbuuca soo soco taba waxaan kaga hadli doonaa saamaynta dabeecadani kuleedahay xidhiidhada iyo qofka noloshiisaba. Sido kale talo siin quseysa cid kaste si ay u arkaan haday dabeecadani tahay mid ka dhex muuqata xidhiidhada ay dadka la leeyihiin. Dhagaysi Wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp...

Jul 16, 202421 minSeason 2Ep. 63

Ku tiirsanaanta aan fayoobayn| Codependency| Q-2aad

Fariin ii reeb :) Q-2aad|| Ku tiirsanaanta aan dheelitirnayni waa dabeecad dad badani leeyihiin se ayna ku baruurugsanayn. Waa dabeecad dadka badanka lagu amaano se saamaysa qofka cafimadkiisaa maskaxeed iyo jidheedba kuna keenta qanaacad darro iyo daganaanshiyo la'aan. Kaga boggo dabeecadan xalqada isbuucan oo la wadaag asxaabtaada. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp...

Jul 11, 202418 minSeason 2Ep. 62

Dabeecada Shaki - Abuurka| Gaslighting| Q-1aad

Fariin ii reeb :) In badan oo inaga midi kuma baraarugsanin dhibta ay leedahay dabeecadan loo yaqaano 'gaslighting'. Xalqadan iyo ta isbuuca soo soco taba waxaan kaga hadli doonaa saamaynta dabeecadani kuleedahay xidhiidhada iyo qofka noloshiisaba. Sido kale talo siin quseysa cid kaste si ay u arkaan haday dabeecadani tahay mid ka dhex muuqata xidhiidhada ay dadka la leeyihiin. Dhagaysi Wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp...

Jul 10, 202416 minSeason 2Ep. 61

Ku tiirsanaanta aan fayoobayn| Codepedency| Q-1aad

Fariin ii reeb :) Ku tiirsanaanta aan dheelitirnayni waa dabeecad dad badani leeyihiin se ayna ku baruurugsanayn. Waa dabeecad dadka badanka lagu amaano se saamaysa qofka cafimadkiisaa maskaxeed iyo jidheedba kuna keenta qanaacad darro iyo daganaanshiyo la'aan. Kaga boggo dabeecadan xalqada isbuucan oo la wadaag asxaabtaada. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp...

Jun 25, 202423 min

Cabsida Go'aan Qaadashada

Fariin ii reeb :) https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp

Jun 04, 202418 minSeason 2Ep. 58

Naf u been sheegid| Self-Deception Q-2aad

Fariin ii reeb :) Ma ogtahay in marar badan aynu nafaheena been u sheegno inagoon ka war qabin? Naf u been sheegisto waa dabeecad kamida dabeecadaha dad badani leeyihiin se ayna ka war qabin saamayn aan fiicnayna noloshooda ay ku keento. Dhagayso xalqadan isbuucan si aad wax uga ogaatid dabeecadan naf u been sheegista iyo qaabka ay u soo if baxdo nolosha dhexdeeda. Halkan kala soco qoraalo iyo videos aan kusoo gudbiyo instagram page kaygan kuwaasoo ku baxaya af soomali - https://www.instagram.co...

May 21, 202418 minSeason 2Ep. 56

Naf u been sheegid| Self-Deception Q-1aad

Fariin ii reeb :) Ma ogtahay in marar badan aynu nafaheena been u sheegno inagoon ka war qabin? Naf u been sheegisto waa dabeecad kamida dabeecadaha dad badani leeyihiin se ayna ka war qabin saamayn aan fiicnayna noloshooda ay ku keento. Dhagayso xalqadan isbuucan si aad wax uga ogaatid dabeecadan naf u been sheegista iyo qaabka ay u soo if baxdo nolosha dhexdeeda. Halkan kala soco qoraalo iyo videos aan kusoo gudbiyo instagram page kaygan kuwaasoo ku baxaya af soomali - https://www.instagram.co...

May 14, 202424 minSeason 2Ep. 55

Noocyada Khilaafadka (Lamaanaha) Q-2aad

Fariin ii reeb :) Maxay ku kala duwanyihiin khilaafadka soo if-baxa xidhiidhada dhexdooda waliba xidhiidhada lamaanaha? Khilaafkaste ma waxa weeyan in xal loo raadiyo si xidhiidhkaasi u noqdo mid fayow oo cafimad qaba. Xalqada isbuucan iyo isbuuca soo socda waxay wax ka badali doontaa hab fikirkaaga dhinaca khilaafaadka xidhiidhada dhexdooda. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp...

May 07, 202430 minSeason 2Ep. 54

Noocyada Khilaafadka (Lamaanaha) Q-1aad

Fariin ii reeb :) Maxay ku kala duwanyihiin khilaafadka soo if-baxa xidhiidhada dhexdooda waliba xidhiidhada lamaanaha? Khilaafkaste ma waxa weeyan in xal loo raadiyo si xidhiidhkaasi u noqdo mid fayow oo cafimad qaba. Xalqada isbuucan iyo isbuuca soo socda waxay wax ka badali doontaa hab fikirkaaga dhinaca khilaafaadka xidhiidhada dhexdooda. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp...

Apr 30, 202417 min

Ixtiraamka Dadka Q-2aad

Fariin ii reeb :) Maxaa ka dhiga dadka qaar dad ka hela dadka kale ixtiraam iyo qadarin? Ixtiraamka dadka kale aad ka heshaa ama aanad ka helini ma yahay mid si toosa ma u la xidhiidhaa kolba inta aad naftaada iyo dabeecadahaaga ka war qabtid? amaba kolba inta aad naftaada ixtiraamtid qadarisidna. Xalqada isbuucan waxaan kaga hadlayaa siduu qofku u dhisi karaa shakhsiyadiisa si uu u noqdo mid dadka iyo mujtamaca dhexdiisa uu u noqdo qof la ixtiraamo oo la qadariyo dhib badanna loola iman. Dhagay...

Apr 23, 202416 minSeason 2Ep. 52

Ixtiraamka Dadka Q-1aad

Fariin ii reeb :) Maxaa ka dhiga dadka qaar dad ka hela dadka kale ixtiraam iyo qadarin? Ixtiraamka dadka kale aad ka heshaa ama aanad ka helini ma yahay mid si toosa ma u la xidhiidhaa kolba inta aad naftaada iyo dabeecadahaaga ka war qabtid? amaba kolba inta aad naftaada ixtiraantid qadarisidna. Xalqada isbuucan waxaan kaga hadlayaa siduu qofku u dhisi karaa shakhsiyadiisa si uu u noqdo mid dadka iyo mujtamaca dhexdiisa uu u noqdo qof la ixtiraamo oo la qadariyo dhib badanna loola iman. Dhagay...

Apr 16, 202417 minSeason 2Ep. 51

Hab - Fikirka Togan| Ducooyinka

Fariin ii reeb :) Xalqada isbuucan waxay tahay mid aan kaga hadlayo dhowr cashar oo la xidhiidha habfikirkeena dhinaca ducada iyo waxyabaha aynu bishii Ramadan ka baranay sidaynu nolosheena ugu dabiqi lahayn. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp

Apr 09, 202418 minSeason 2Ep. 50

Naf la hadhid Q-2aad| Self Sabotage

Fariin ii reeb :) Waa maxaay talaabooyinka ay tahay qofku inuu qaado si uu wax uga badali karo dabeecadan aan fayoobayn ee uu leeyahay? Ma ogtahay in mararka qaar in aad adigu naftaada la hadhi kartid (self-sabotage). Hadaba dhaqan ama dabeecado noocma ah ayuu qofku muujiyaa markuu yahay qof naftiisa la hadhaya oo aaminadihiisa iyo dareemadiisu yihiin waxa ka hor istaagaya in uu isbadal la yimaado noloshiisa u fiican ama aqbalo waxyabaha fiican ee noloshiisa kusoo biira. Jawaabta su'aashan iyo f...

Mar 26, 202423 minSeason 2Ep. 49

Naf la hadhid| Self Sabotage Q - 1aad

Fariin ii reeb :) Ma ogtahay in mararka qaar in aad adigu naftaada la hadhi kartid (self-sabotage). Hadaba dhaqan ama dabeecado noocma ah ayuu qofku muujiyaa markuu yahay qof naftiisa la hadhaya oo aaminadihiisa iyo dareemadiisu yihiin waxa ka hor istaagaya in uu isbadal la yimaado noloshiisa u fiican ama aqbalo waxyabaha fiican ee noloshiisa kusoo biira. Jawaabta su'aashan iyo faahfaahin dheeraada waxaad ka helaysaa xalqada isbuucan. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshap...

Mar 19, 202421 minSeason 2Ep. 48

Qorshaha Bisha Ramadan

Fariin ii reeb :) Samayso qorshe ramadan adoo raacayaa talooyinkan aan kusoo gudbiyay xalqada isbuucan. Sidoo kale wax ka badal hab-fikirkaaga la xidhiidha ramadanta iyo hadaf dajinta taasoo mararka qaar ku keenta qofka culays iyo niyad jab marka uu ka midho dhalin waayo ama joogtayn waayo acmaasha iyo cibaadooyinka qaar uu qorshaystay. Dhagaysi wacan. Hel 50% discount tababar wadreed bilaabmaya bisha April 15 keeda oo socon doonaa afar isbuuc 👇 https://forms.gle/PKe1RRNkQ2rfdQbg9 https://www.i...

Mar 12, 202425 minSeason 2Ep. 47

Culayska Wacyiga Kobca

Fariin ii reeb :) Maxaa ku keena qofka in uu la kulmo dareemo culus marka uu kobcinayo wacyigiisa sidee buuna uga gudbi karaa dareemadda culus una joogtayn karaa is badalkaas uu ku samaynayo xidhiidhka uu qofku la leeyahay naftiisa iyo dadka kale. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp...

Mar 05, 202417 minSeason 2Ep. 46

Dhaqamada Xidhiidhada fayow Q-2aad

Fariin ii reeb :) Xalqadan waxaan kusoo gudbinayaa qaab ka ay tahay qofku inoo uga war hayo naftiisa iyo dhaqamadiisa xidhiidhada dhexdooda iyo sidoo kale su'aasha ay tahay in uu qofku naftiisa waydiiyo marka ay noqoto xidhiidhadii hore uu ugu jiri jiray ee uu ku tilmaamo xidhaadho aan fayoobayn. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp...

Feb 27, 202422 minSeason 2Ep. 45

Dhaqamada xidhiidhada aan fayoobayn Q-2aad

Fariin ii reeb :) Dhaqamada qaar waa waxa ka dhiga xidhiidhada qaar fayow ama qaar aan fayoobayn. Waxa muhiima in qof kaste garan karo saamaynta aan fiicnayn ee dabeecadahani kuleeyihiin xidhiidhka aad dadka la leedahay. Ka dhagayso xalqada isbuucan saddex calaamadood oo kale oo ka dhiga xidhiidhada qaar aan fayoobayn. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp...

Feb 20, 202421 minSeason 2Ep. 44

Dhaqamada Xidhiidhada Fayow Q-1aad

Fariin ii reeb :) Dhaqamada qaar waa waxa ka dhiga xidhiidhada qaar fayow. Waxa muhiima in qof kaste garan karo dhaqamada qaar samaynta fiican ee ay ku leeyihiin xidhiidhada kuna dadaalo in uu barto. Ka dhagayso xalqada isbuucan saddex dhaqamood oo lagu tilmaamo dhaqamada fayow kuna ah lid dhaqamadii aan fayoobayn ee xalqadii hore kagasoo hadlay. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp...

Feb 13, 202423 minSeason 2Ep. 43

Dhaqamada Xidhiidhada aan fayoobayn Q-1aad

Fariin ii reeb :) Dhaqamada qaar waa waxa ka dhiga xidhiidhada qaar fayow ama qaar aan fayoobayn. Waxa muhiima in qof kaste garan karo sidee aan fiicnayn ee dabeecadahani kuleeyihiin xidhiidhka aad dadka l aleedahay. Ka dhagayso xalqada isbuucan afarta calaamadood ee cilmi baadhis lagu sameeyay kana dhiga xidhiidhada qaar aan fayoobayn. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp...

Feb 07, 202418 minSeason 2Ep. 42

Qaab Xidhiidheed Q - 2aad| Attachment styles

Fariin ii reeb :) In badan ma maqashay Attachment style ? Ma iskudayday in aad wax kaa fahantid qaab-dhaqameedkaaga xidhiidhada dhexdooda se ma rabtaa ama diyaar ma u tahay in aad si daacada naftaada wax uga ogaatid si aad u garan kartid daldaloolada aad leedahay shakhsi ahaan ee mararka qaar saameeyaa xidhiidhada aad dadka la leedahay? Xalqadan 1aad ee Season 2 dhagayso si aad u qaadid talaabada u horeysa ee kaa caawinaysaa kuuguna riixi doonta in aad isbadal la timaadid dhinaca xidhiidhada aad...

Jan 30, 202421 minSeason 2Ep. 41

Qaab - Xidhiidheed| Attachment Style

Fariin ii reeb :) In badan ma maqashay Attachment style ? Ma iskudayday in aad wax kaa fahantid qaab-dhaqameedkaaga xidhiidhada dhexdooda se ma rabtaa ama diyaar ma u tahay in aad si daacada naftaada wax uga ogaatid si aad u garan kartid daldaloolada aad leedahay shakhsi ahaan ee mararka qaar saameeyaa xidhiidhada aad dadka la leedahay? Xalqadan 1aad ee Season 2 dhagayso si aad u qaadid talaabada u horeysa ee kaa caawinaysaa kuuguna riixi doonta in aad isbadal la timaadid dhinaca xidhiidhada aad...

Jan 23, 202442 minSeason 2Ep. 40

Dib u eegid| Gunaanadka season 1

Fariin ii reeb :) Xalqadan waxay tahay qaab aad dib ugu eegi doontid isbadalka aad dareentay intii aan ku xidhnayd podcast kan waliba xidhiidh ka naftaada aad la leedahay iyo siduu isku badalay. Waxaad ka jawaabi doontaa 10 su'aalood oo taban doonaa qaybaha kala duwan ee noloshaada adoo wakhti naftaada siinaya wakhtina la qaadanaya. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp...

Jan 09, 202418 minSeason 1Ep. 39

Qorshaha sanadka cusub

Fariin ii reeb :) Riix linkigan si aad ugu biirtid group ka Telegram ee tababarka Qorshaha Sanadka Cusub 👇 https://t.me/+N5yaFhEB_zs4MjM0 - Maxaa keenaa in culays badan la dareemo dhamaadka sanadka iyo bilawga sanadka? Ma dareemaysaa in ay tahay in aad ahdaaf badan sameysatid isbadal wanaagsanna noloshaada kusoo kordhisid sanadkan 2024 ? Haday Haa tahay jawaabtu dhagayso xalqadan qorshaha sanadka cusub si aad wax badan uga badashid hab-fikirkaaga dhinaca hadaf - dajinta iyo isbadal doonka. Dhag...

Jan 02, 202418 minEp. 38
Hosted on Buzzsprout
For the best experience, listen in Metacast app for iOS or Android