Gar baan kuu dhiganayaa-Digfeer - podcast episode cover

Gar baan kuu dhiganayaa-Digfeer

Sep 07, 20227 min
--:--
--:--
Download Metacast podcast app
Listen to this episode in Metacast mobile app
Don't just listen to podcasts. Learn from them with transcripts, summaries, and chapters for every episode. Skim, search, and bookmark insights. Learn more

Episode description

Yassin Axmed Digfeer.
Dadkii kala gado qarsada
Waxbaa ka dhex guuxayee
Gar-baan kuu dhiganayaa

Gudoonkuna waa adigee
Gar-eex lama doonayee
Garawso waxaan ku dhaho

Nin gob ah ood gacal tihiin
Wiliba gacalooy ku jecel
Adoon ku maqneyn wax gara
Inuu gurigoo cidlo ah
Sidii GAAL-SHIRE fadhiyo
Miyaanu gartaa laheyn

Dar-daarankii waad gaftee
Adoo fasax gaaban tagey
Maxaa GOBLE kaaga xidhan
Ma geel-baa kuugu dhalay

-----------------------------------------

Adoon gurro iyo canaan
Adoon gacan iyo dil qabin
Adoon gaajiyo dhib arag

Anoo Guri kuu sharaxay
Gasiinkuna kuu dhex-yaal
Wiliba Gobanimiyo sharaf
Adiga guudkaaga sudhay
Wiliba gacalooy ku jecel
Adoon ku maqneyn wax gara
Inaan gurigoo cidlaa
Sidii GAAL-SHIRE fadhiyo
Miyaanan gartaa laheyn

Dardaarankii waad gaftee
Adoo fasax gaaban tagey
Maxaa GOBLE kaaga xidhan
Ma geelbaa kuugu dhalay.
For the best experience, listen in Metacast app for iOS or Android