Somali Motivation podcast - podcast cover

Somali Motivation podcast

At the heart of the Somali Motivation Podcast lies a profound mission: to uplift, inspire, and catalyze personal growth in the lives of our listeners. With a steadfast dedication to mental health awareness and domestic abuse awareness, our podcast embraces vulnerability, encourages healing, and fosters resilience within the Somali community and beyond. Through heartfelt conversations, expert insights, and shared experiences, we create a warm and welcoming space where every voice matters. Join our transformative journey as we embark on a quest to empower our community, spark meaningful change, and weave a tapestry of hope and strength. Together, we can make a difference, one episode at a time.
Last refreshed:
Follow this podcast in the Metacast mobile app to refresh it and see new episodes.
Download Metacast podcast app
Podcasts are better in Metacast mobile app
Don't just listen to podcasts. Learn from them with transcripts, summaries, and chapters for every episode. Skim, search, and bookmark insights. Learn more

Episodes

Dr. Soheir Hassan - PHD- ku diyaarisay Fayodhowrka guud iyo ka hortaga xanuunda aan la isqaadsiin- University of Oslo

Dr. Soheir Hassan waxay ka qalin jabisay qaybta cafimaadka ee jaamacada hargeisa sannadkii 2009 kii mudo waxay ka shaqaysay cisbitaalka guud ee Hargeisa iyo hay’adaha caalamiga ah oo ay la shaqaynaysay, kadibna waxay fursado waxbarasho ka heshay wadanka dibadiisa gaar ahaan jaaamada Oslo ee wadanka Norway halkaas oo ay dhawaan ku soo dhamaystirtay shahaadada PHD oo ay ku diyaarisay Fayadhowrka bulshada wacyigalinta iyo ka hortaga cudurada aan la is qaadsiin.

Feb 04, 202033 min

Waa maxay Guushe? Sidee se loo gaadhi kartaa?

Waa maxay guushu sideedaba? sidee ayaa se loo gaadhi karaa? labadan su'aalood ayaan barnaamijka maanta ee dhiirigalin kaga jawaabaynaa sidoo kale waxan ku soo qaadanaynaa 9 qodob oo kaa caawin kara meesha aad rabo in aad gaadho?

Jan 11, 202019 min

Sannadka-cusub ku guuleyso

Waa maxay sababta ay qorshayaasha sannadka cusub u guuldaraystaan? Ma rabtaa in sannadkan aad ku guulaysto yoolkaaga iyo qorshaha aad dhigatay. Ka dhagayso halkan 7 qodob oo arintan kaa caawin doona. #podcastsomali #waadkartaa ka dhagayso barnaamijkan meel kasta oo aad ka hesho podcast yada ama google garee. #MAHADSANID

Dec 22, 201917 min

Mustafe Baruud: Gushaadu Gacantaada ayay ku jirtaa

Mustafe Baruud, waxa uu waraysiga kaga hadlayaa guusha, sida loo gaadho iyo waa maxay sababta dhalinyarada wadanka joogta ay waxbarashadii wadankooda ku barateen isla wadanka gudihiisi ay suuqa shaqada shaqo uga jari ladahay. Mustafe sidookale waxa uu ka hadlayaa macadka uu asaasay ee cilmi baadhista iyo kordhinta awoodaha maskaxda aadamaha. Dhagaysi wacan.

Oct 28, 201933 min

Mubaarik Abdirahman - Talada Wadada Guusha

Mubaarik Mohamed Abdirahman, waa xildhibaan ka tirsan golaha hoose iyo gudiga waxbarashada magaalda Mälmö ee wadankan Sweden. waa wiil dhalinyaro ah oo ka shaqeeya arimaha dhalinyarada hormarkooda, wargalintooda , dhiirigalintooda iyo wacayigalinta dhan walba ah. halkan ka dhagayso warsigii aniga iyo isaga na dhex maray oo ku saabsan sida guusha loo gaadho, talooyinka uu u soo jeediyay dhalinta iyo 3 su'aalood oo uu i wayiidayay aniga.

Sep 16, 201944 min

8 sababood oo keena Guuldarada.

MA OGTAHAY IN AY GUULDARADU TIMAADO KALIYA MARKA AAD JOOJISO ISKU DA'AYGA.halkan maanta waxaan si kooban ugaga hadalaynaa sababaha keena in aan guul daraysano guud ahaan oo aan ku soo koobay 8 qodob. ku soo dhawaada barnaamijkeena dhiirigalin iyo somali motivation podcast, waxaana idinla socodsiiya usbuuckasta aniga oo Istahil Aideed.

Sep 01, 201913 min

Waa Hooyo iyo Hogaamiye la Hiigsado

Kaltun Osman Rivers Waa Hooyo iyo Hogaamiye la Hiigsado Cllr Kaltum Banday. Halkan ka dhagayso waraysigii na dhex maray oo xiiso badan. #sidoo kale eeg #su'aasha ay kaltuun aniga laftigayga i waydiisay. ka dhagayso #Itunes #applepodcast #spotify #youtube waraysigu waa arimaha bulshada, guusha, dhiirigalinta iyo sida shaqada qaarkeed aan uga kirbirno. Somali Motivation Podcast

Aug 02, 201946 min

TAHRIIB - waa 14 sanno jir sidee buu ku soo gaadhay Yurub?

Waa 14 sanno jir ka soo tahriibay tuulo kutaala koonfurta Soomaliya. waxa uu soo arkay dumar & la Kufsaday, jidhdiley iyo qaar macaluul u dhintay. Ilmo yar ama qof dhalinyaro ah sidee ayay maskaxdiisu u qaadi kartaa isla markaana uga sheekayn kartaa dhibaatadaas soo martay oo samaysay fayoobantiisa iyo guud ahaanba noloshisa, dhagayso waraysigan.

Jul 19, 201915 min

Sideed kalsoonidada u kordhin kartaa!

Sidee ayaad kalsoonidaada kor ugu qaadi kartaa…………..Ma waxaad tahay qof isku kalsoon mise mid isla wayn oo awoodiisa maskax ahaaneed iyo qofnimaba buunbuuniya. Kalsoonidu waxay kordhisaa jaaniska guusha nololeed halka ay isla waynaantu tahay mid horseeda burburka iyo guuldarada.

Jul 09, 20195 min

Hiigsasho - Warysigii Khalid J.Qodax

Waraysigan ayaa ku qotoma hiigsashada iyo doorka uu rolemodelka ama qofka aad hiigsato ee aad jeceshay in aad ku dayato si aad u gaadho hadafkaaga nololeed iyo qorasha kuu degsanba.

Jun 30, 201925 min

Adigu Dhabarka ha iska Toogan!!!! self-sabotage!

Kalamada maanata saldhiga u ah mawduuceena waa Self-Sabotage, ama in aad adigu dhabarka iska toogato, guushaasda iyo fikirkaagaba aad lugta qabato. iyo saddex ka mid ah sababaha keena in uu qofku sidaas sameeyo.

Jun 15, 201911 min

Si-xun ufikirka iyo dhibka caafimaad uu leeyahay - epo 2

Si xun u fekerku waxa uu dhibaateeyaa noloshaada guud ahaan gaar ahaan cafimaadkaaga maskaxeed iyo jidheedba. wuxuu saameeyaa oo kale goaan qaadashadaada nolololeed iyo habdhaqankaagaba. sideed u badali kartaa si aad wax walba dhanka wanaagsan uga eegto. Dhageysi wacan, mahadsanid.

Jun 10, 20197 min

Dhiirigalinta Ma ubaahan tahay? Epo 1

Dhiirgalinta goorma ayay timadaa, goorma ayuu qofku dhiiranaan dareemaa, mase tahay runtii muhiin. marka ay dhiranaantii iyo xiisihii ka ba'aan sideed yeelaysaa ama aad hawlahagii ku sii wadan kartaa. maqalka u horeeya ee podcast keena waxaan idinku sheegi doonaa in aad u baahan tahay dhisibiliin kaas oo ka awood badan dhirigalinta. Mahadsanid dhagaysi wacan.

Jun 10, 20194 min
For the best experience, listen in Metacast app for iOS or Android